Maaraynta cadhada Littsint agabku waxa uu ku dhisan yahay oo isticmaalaa qaabka daawaynta garaadka. “Garaadka” micnahiisu waxa weeye fekerka, iyo daawaynta garaadka waxay khusaysaa awooda fikradaha ay ku yeelan karaan caadifadaheena iyo sida aynu u aragno dookhyadeena aynu ku leenahay sida aynu u fekerno. Qaabka ABC aad ayaa loo isticmaala daawaynta garaadka si ay dadka uga caawiso si nidaamsan beddelida dhaqanka iyaddoo caddaynaysa xidhiidhka u dhexeeya xaaladda (A) fekerka (B) iyo caadifada (C). Waalidku waxay tababaraan kartidooda inay furaan fasiraado kala duwan (B) ee xaaladda ilmaha (A) oo ogsoonaado fikradaha xun ee ku saabsan nafahooda iyo ilmaha (B), oo mar labbaad si wanaagsan u xakameeyaan caadifadaha ka yimaada (C).
Agabka maaraynta cadhada Littsint waxa uu u jeedaa inuu caawiyo waalidka wax badan inay ogsoonaadaan fikradaha xun ee ay ka qabaan nafahooda iyo ilmahooda, markaas waxay la loolami karaan fikradahan, beddelaan sida ay dareemaan ee ay u helaan wax badan oo qaababka la rabo ee dhaqanka ah. Isticmaalka Littsint, waalidku waxay awood u yeelan doonaan inay ku celceliyaan helida xakamaynta badan ee dareemadooda oo sidaasna waxay ku sameeyaan nolosha maalinlaha ah ee ka wanaagsan ee ka saadaalin badan.
Jimicsiga
- Markaad aqoonsato fikrad xun (B) gudaha Littsint, jooji waxa aad qabanayso oo sii naftaada dhowr ilbidhiqsi si aad u diiwaangeliso waxa dhacaya.
- Aqoonsashada fikrad xun waxay kaa joojisaa toos uga dhaqaaqa xaaladda (A) ilaa caadifada (C).
- Waydii naftaada haddii fikrada xun (B) ay run tahay. Soo cesho fikrad beddel ah (B) oo ku saabsan ilmaha (usha cad) iyo fikrad kale oo ka run badan (B) oo ku saabsan naftaada. Saamayntee ayay tanu ku leedahay caadifadahaaga (C) iyo dareenka ka gudubka xaaladda (A)?
Badanka waalidka ay cadhadu u eegtahay sida shay degdeg ugu soo booda, oo ay toos uga dhaqaaqaan xaalad ilaa halka ilmaha aanu ka jawaabin (A), tusaale ahaan, dareenka cadhada (C). Caqabada u horaysa eee bilaabida ka gudubka cadhada waa in la garto in cadhadu inaanay kedis inoogu iman – had iyo jeer waxaa jira fasiraad (B) ee xaaladda (A) oo sharaxda caadifada.
Markaanu cadhoono, waxaanu badanka luminaa hal abuurka iyo araga wax ka baxsan laynka araga. Waa sidii lagu jiro wado dhulka hoosteeda ah halka ay adagtahay in la soo jeesto, oo waxaan qaadi karaa macluumaad yar oo cusub oo ka yimid agagaarka. Dhammaan waxay xooga saaraan fikradaha xun ee aynu ka qabno nafaheena ama ilmaha. Marka jidhkeenu ka falceliyo cadhada ama qaracanka, fikradaha xun ee ku saabsan nafaheena ama ilmaha waxaa loo arkaa run.
Ka fekerka in ilmaha aan ka jwaabin uu yahay mid ixtiraam aan lahayn (B) waxay keeni doontaa caadifad (C). Ka fekerka in ilmahu uu ka fekerayo shay kale (B) oo uu leeyahay awoodo ka fiican oo ka fekerida ah waxay keeni doontaa caadifado ka duwan (C). Markaan aad u ogsoonaanayn inaan had iyo jeer qabno dookh ah sida aanu ufasirno xaaladdaha, waxaan uga gudbi karnaa caadifadaheena si ka wanaagsan. Si lo muujiyo tan, samee layliska “usha cad” ee ku jira liiska.
Qodobka layliska waa in la muujiyo in fasiraad cusub ee (B) ee xaaladda (A) keento caadifad ka duwan (C) dhowr ilbidhiqsi oo keliya. fasiraada cusub waxay ka kicisaa daryeelida iyo rabitaanka si loo caawiyo, beddelka cadhada iyo rabitaanka si loo ciqaabo/loo laado. Su’aasha waa: kee ayay tahay “ula cad” ama fasiraadaha beddelka ah (B) ee xaaladda (A) ay siin karaan ilmahaaga? “Ulaha cad” ee aadka loo yaqaano wa aka fekerka wax ku saabsan da’da ilmaha (B) iyo in isaga/iyada uu qabanayo waxa badanka carruurtu la da’da ah ay qabtaan (B).
Maaraynta cadhada ka wanaagsan waxay ku saabsan tahay tababarida naftaada inay ahaato mid ka ahmiyada yar iyo ku celcelinta qaababka cusub ee fasiraaada falalka ilmaha. Maaraynta cadhada wanaagsan iskeed isagama dhacdo waa in lagu tababaro muddo xaaladdaha ilmaha.
Malee inaad taagan tahay layn oo qof xaga dambe kaaga yimaado adiga oo si adag kaaga laaddo lugta xageeda hoose (A). Ka hor inta aanad soo jeesan oo aanad arag cidda kaa dambaysa adiga, fikradahee ayaad qabtaa (B)? Dareemadee ayaa la kiciyaa (C)? Maxaad ka dareentaa jidhkaaga? Maxaad doonaysaa inaad nashqadayso? Ku qaado 2 daqiiqadoo ka fekerka wax ku saabsan jawaabaha ka hor akhriyista.
Markaas oo jeesato, waxaad aragtaa nin indha la’ oo sita ul cad oo adiga ku jiidhay. Waydii naftaa 4 su’aalood oo isku mid ah mar labbaad. Ku qaado 2 daqiiqadoo ka fekerka wax ku saabsan jawaabaha ka hor akhriyista. Sidee ayay fikradahaaga iyo dareemadu isku beddelaan, iyo sababtee?
Aqlabiyada badan 800 waalidka ah kuwaas oo agabka Littsint ku salaysan yahay waxay sheegeen inay ka cadhoon lahaayeen/baqdeen (C), oo wadnahoodu uu ugaraacmi lahaa is ka degdeg badan oo jidhkoodu ka falcelin lahaa ka hor inta aanay jeesan. Fikrada aadka u badan waa in laga fekero “ waa kuma nacaskan ilaadayaa?” (B) oo waxaa doonaysaa inaad dib u laaddo.
Markaad dib u jeesato oo aad aragto usha cad (A), fikrada aadka u badan ee beddelka ah waa “wuu indho la’ yahay oo umuu samayn si ula kac ah” (B). Fikrada cusub waxay dejisaa cadhada dhowr ilbidhiqsi gudahood. Badanka aadka ah si degdega waxay iska beddelaan dareenka cadhada ilaa naxariis (C). Waxay u murugoodaan ninka indhaha la’ oo waxay doonayaan inay isaga caawiyaan.
Qodobka layliska waa in la muujiyo in fasiraad cusub ee (B) ee xaaladda (A) keento caadifad ka duwan (C) dhowr ilbidhiqsi oo keliya. fasiraada cusub waxay ka kicisaa daryeelida iyo rabitaanka si loo caawiyo, beddelka cadhada iyo rabitaanka si loo ciqaabo/loo laado. Su’aasha waa: kee ayay tahay “ula cad” ama fasiraadaha beddelka ah (B) ee xaaladda (A) ay siin karaan ilmahaaga? “Ulaha cad” ee aadka loo yaqaano wa aka fekerka wax ku saabsan da’da ilmaha (B) iyo in isaga/iyada uu qabanayo waxa badanka carruurtu la da’da ah ay qabtaan (B).
Littsint maaraynta cadhada Littsint waxa uu u jeedaa inuu caawiyo waalidka wax badan inay ogsoonaadaan fikradaha xun ee ay ka qabaan nafahooda iyo ilmahooda, markaas waxay la loolami karaan fikradahan, beddelaan sida ay dareemaan ee ay u helaan wax badan oo qaababka la rabo ee dhaqanka ah. Agabka waxa uu ku salaysan yahay daawayna garaadka, kaas oo ka walaacsan wada sheekaysiga hoose ee aynu la yeelano lafaheena iyo awooda fikradaha xun ay ku yeelan karaa caadifadaheena iyo dookhyada aynu samayno ee ku saabsan sida aynu u dhaqano.
Bogga bilowga ah, waxaad ka dooran kartaa da’da ilmaha. Markad tan samayso, waxaad arki doontaa goobo wadata waran dhaqaaqaya iyo baranka cas ee bilowga/joogsiga. Qoraalka ka soo baxan waxa uu muujiyaa 6 fikradaha diidmada aadka loo yaqaano waalidku ay haystaan ka hor intaanay ka sii cadhoon intii la jeclaan lahaayeen ilmahooda. Taabashada batanka cas labba jeer waxay kuu muujisaa adiga 3 fikradood ee aadka loo yaqaano ee kale ee caawiya waalidka inay isdejiyaan xaaladdaha ilmaha. Taabashada batanka cas labba jeer waxay kuu muujisaa adiga sharax aad u faahfaahsan oo fikradaha beddelka ah.
Jebinta noocyada fikrada xun iyo abuurida dareenka ka gudubka caadifadaha waxay u baahan yihiin ku celcelin. Hoosta “Layliska” gudaha liiska, waxaad ka heli doontaa talo soojeedinta jimicsiyada aad isticmaali karto xaaladdaha maalin kasta ee ilmahaaga.
Muuqaalka fiidyaha ku jira e-book waxa uu bixiyaa macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan qaabka daawaynta garaadka lagu isticmaalay Littsint. E-book waxaa lagaga soo dejisan karaa bilaasha littsint.no.