Cadhada waa dareen caadi ah oo aan dhammaanteen leenahay. Su’aasha sidaas awgeed, maaha haddii aynu cadhaysanahay, laakiin waa waxa abuura cadhadaas iyo haddii aynu dareeno inaynu xakamayn karno iyadda.
Cadhada aynu xooga saaranaynaa muhiim ahaan halkan waa nooca kediska ee cadhada aan la saadaalin ee ilmahu aanu fahmi karin. Si kastaba ha ahaatee, dhammaan qaababka cadhada ee waalidka waxay ku lahaan kartaa saamayn aan wanaagsnayn carruurta haddii ay yihiin qaybta ugu badan ee nolosha maalin kasta. Waalidka laftooda inta badan waxay ka yaabaan xooga iyo saadlin la’aanta cadhadooda. Nooca cadhada caadi ahaan ka soo baxda marka qof uu daalan yahay ama walbahaarsan yahay, oo dareemo inuu meel ku dhegan yahay ama aanua wood lahayn xaaladda ilmaha.
Waalidka waxay doonayaan waxa ugu fiican carruurtooda, oo waxay doonayaan inay noqdaan waalid wanaagsan. Ka sakow tan, waalid badan waxay helaan inay ka nixiyaan carruutooda markay cadhooddaan ama dhaqanka dagaalka ah, oo waxay ka werwersan yihiin wax ku saabsan sida tani ay u saamayn doonto carruurtooda. Maqnaanshaha xalalka, badanka waalidka way yaraysan doonaan saamaynta cadhadu ay ku yeelato carruurtooda oo way ka hadli doonaan wax yar sida suuragalka ah.
Waalid badan kuwaas oo raadiya caawimada maaraynta cadhadu waxay doonayaan inay jebiyaan nooca jiilka ee cadhada. Ma doonayaan inay u cadhooddaan carruurtooda maadaama hooyadoo ama aabbahood uu la joogo. Mid xun ama wanaagsan, carruurnimadu waxay ka tagtaa calaamadeeda. Sida la inoola dhaqmo waxay saamayn kartaa sida aynu u dhexgalno kuwa kale sidii dad waa wayn ahaan. Haddii aynu dareeno in la inoola dhaqmay ixtiraam darro waalidkeenu, waxaa aad u dhici kara inaanu ku jawaabi doono cadho haddii aynu dareeno inaynaan helin ixtiraamka aanu ka filayno carruurteena. Dareemada hore ee ceebta iyo cadaalad darrada waxay keeni karaan fikrado xun oo aan loo baahnayn oo ku saabsan nafaheena ama ilmaha. Waxaynu geli karnaa wareeg xun oo fikrado xun iyo caadifado ah, kuwaas oo kordhiya suuragal ahaanshaha cadhada.
Waalidka kale waxay helaan inay u sii cadhooddaan carruurtooda si ka badan halkii waalidkooda ku sameeyay iyaga. Waxay dhibaato ka haysan kartaa fahanka sababta ay uga fal celiyaan si xoogan, oo ay u dareemaan inay ka yaxyaxeen cadhada taas oo ay u soo bandhigaan carruurtooda. Noocan cadhada ah waxay ka timaada dadka ku nool nolosha walbahaarka badan oo samaynaya dalabaad badan oo noloshooda ah. Iskudayga aadka loogu jeedo si loo sameeyo karaankooda loo sameeyo carruurta iyo qoysku waxay ku dhammaadaan cadho iyo qaracan. Shayga maaraynta cadhada waxay caawin kartaa inay naga dhigaan waalid ahaan kuwa ogsoon inaan had iyo jeer leenahay dookha sida aynu u fasirano xaaladda ilmaha. Sida aanu uga fekerayno ilmaha – noqoshada ixtiram darro ama inay jiidato ciyaartiisa/teeda – saameeyaan caadifadaha aynu la kullano iyo sida aynu u aragno dookhyada aynu haysano sida aynu falno.
Qaabka garaadka, qaabka ABC
Maaraynta cadhada waalidka waxay ku salaysan tahay qaabka garaadka ee dhaca marka la bilaayo wakhtiga isku xidhka u dhexeeya fikradaha, caadifadaha iyo dhaqanka. Waxaanu nafaheena la yeelanaa wada sheekaysi gudaha ah, inta badan ku sifaysan fikrado xun kuwaas oo aynaan ogsoonayn. Fikradaha otomaatiga ah ee guud ee waalidka waxay noqon karaan “ma ahi waalid xun” ama “ilmahu ima tixgeliyo aniga”. Qaabka garaadka, waalidku waxay xooga saaraan kuwan fikradaha xun ee tooska ah, oo waxay bartaan sida loo beddelo qaabka ay u malaynayaan inay u keeni karaan isbeddelada caadifafadaha ay dareemaan, soona bandhigaan qaabab kale oo dhaqanka dhanka ilmaha ah.
Qaabka ABC si ballaadhan waxaa loogu isticmaalaa daawaynta garaadka si loo caawiyo dadka inay u shaqeeyaan si nidaamsan si loo beddelo fikradaha, caadfadaha iyo dhaqanka. “A” waxay u taagan tahay xaalda, “B” fikrada, iyo “C” dareenka iyo jawaabka jidhka. Qaabka ABC waa qaabka muujinaya xidhiidhka u dhexeeya xaaladda, fikradaha iyo dareemada. Waalidku waxay tababaraan kartidooda inay furaan fasiraado kala duwan (B) ee xaaladda (A) oo ilmahuna ogsoonaad fikradaha xun (B) ku saabsan nafahooda iyo ilmaha, oo mar labbaad si wanaagsan u xakameeyaan caadifadaha ka yimaada (C).
Maaraynta cadhada wanaagsan iskeed isagama dhacdo waa in lagu tababaro muddo xaaladdaha ilmaha. Laylis guul leh waxay uu bixiyaa dareenka wanaajinta xaaladda ilmaha, beddelka dareenka awood la’aanta kordhisa suuragal ahaanshaha cadhada i yo dagaalka.